RASMI: Man City oo heshiis waqti dheer ah ka saxiixatay mid ka mid ah xiddigaheeda ugu fiican

(Manchester) 12 Luulyo 2022. Manchester City ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday inay cusbooneysiisay qandaraaska mid ka mid ah ciyaartoydeeda caanka ah, kaasoo saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2027.

Manchester City ayaa war ay soo dhigtay website-keeda  rasmiga ah ku sheegtay:

“Rodri waxa uu kooxda u saxiixay heshiis kordhin saddex sano ah, taas oo la macno ah in 26-sano jirka uu halkan sii joogi doono ilaa June 2027.”

Dhankiisa xiddiga khadka dhexe reer Spain ayaa kaddib markii uu saxiixay heshiiska cusub wuxuu ka hadlay dareenkiisa wuxuuna yiri:

“Ku biirista Manchester City 2019 waa go’aankii ugu fiicnaa ee aan qaatay xirfadeyda shaqo.”

“Wax badan ayaan horumar ku sameeyay ka ciyaaryahan ahaan, waxaana u mahadcelinayaa Pep Guardiola iyo dhammaan shaqaalaha tababarka oo gacan ka geystay sidii ay ii caawin lahaayeen, si buuxda ayay uga go’an tahay inay iga caawiyaan inaan gaaro heerkaygii ugu fiicnaa, waxaana kaga mahadcelinayaa dadaalkooda adag.”

“Aad ayaan u guulaysanay tan iyo markii aan halkan imid, taas oo iga dhigaysa mid aan ku faani karo, dhinaca kale haddii aan si daacad ah u hadlo, wali waan gaajeysanahay, sababtoo ah markaad bilowdo inaad ku guuleysato koobab waaweyn ma dooneysid inaad joojiso.”

“Waxaan dareemayaa in City ay isiineyso fursada ugu fiican ee aan ugu guuleysan karo koobab, waana sababta aan aad ugu faraxsanahay inaan halkaan joogo waqti dheer.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close