Maxaa ka cusub wararka Serge Gnabry la xiriirinaya inuu ku biirayo Chelsea??

(Munich) 12 Luulyo 2022. Shabakada Sky Sports ee dalka Germany ayaa xalisay murankii ka taagnaa suurtogalnimada uu xiddiga garabka ugu ciyaara Bayern Munich ee Serge Gnabry, ugu biiri karo Chelsea inta lagu jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Chelsea ayaa si adag indhaha ugu heysay qandaraaska Gnabry si ay magdhow uga dhigto kaddib markii ay ku fashilantay raacdadii ay ugu jirtay saxiixa xiddiga reer Brazil iyo kooxda Leeds United ee Raphinha, kaasoo aad ugu dhow inuu u dhaqaaqo Barcelona.

Gnabry, oo 26 jir ah, ayaa qandaraas kula jira kooxda Bavarian-ka, kaasoo gaaraya dhamaadka bisha June 2023, ciyaaryahanka ayaa sii wada inuu shaki galiyo mustaqbalkiisa Bayern isagoo diiday inuu qandaraas cusub u saxiixo kooxda ku ciyaarta garoonka Allianz Arena.

Haddaba shabakada Sky Sports ee dalka Germany ayaa sharaxday in Serge Gnabry uu meesha ka saaray fikrada uu ugu biirayo horyaalka Premier League gaar ahaan Chelsea, maadaama uu horrey u soo xirtay maaliyada kooxda ay dariska yihiin ee Arsenal.

Yeelkeeda, shabakada ayaa soo xirtay suurtogalnimada uu Gnabry ugu biiri karo Chelsea oo dooneysa inay ka dhigato badelka Hakim Ziyech oo isna la filayo inuu u dhaqaaqo AC Milan, iyada oo imaatinka Serge Gnabry uu dalbanayo tababaraha Jarmalka ah ee Thomas Tuchel.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close