Lewandowski oo la filayo inuu ka tago Bayern kuna biiro Barca isbuucaan, iyadoo kooxda Jarmalka ay baacsaneyso De Ligt

(Munich) 12 Luulyo 2022. Robert Lewandowski ayaa lagusoo warramayaa inuu ka tago Bayern Munich isla isbuucan iyadoo Barcelona ay diyaarineyso dalabkii ugu dambeeyay ee € 50m (£ 42.3m) oo lagu daray gunooyin kale, sida laga soo xigtay Sky Germany

Bixitaanka Lewandowski ayaa ka caawin doonta Bayern inay maalgeliso saxiixa Matthijs de Ligt kaasoo Lagu qiimeeyo 80 milyan oo Euro oo lagu daray gunooyin, sida laga soo xigtay Sky ee Taly.

Salihamidzic, agaasimaha ciyaaraha ee Bayern, ayaa ku sugnaa Turin isniintii si uu wadahadalo ula furo juve iyo De Ligt.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Poland ayaa qandaraaskiisa Bayern waxaa uga haray kaliya hal sanno, waxaana uu u sheegay kooxda inuusan cusbooneysiin doonin qandaraaskiisa.

Ilaa hadda kooxda heysata horyaalka Jarmalka ayaa ku adkeysaneysa in Lewandowski uusan iib ahayn, waxaana ay diiday €40m oo ay Barcelona u soo bandhigtay bishii hore.

Oliver Kahn, madaxa fulinta ee Bayern, ayaa u sheegay Amazon Prime bishii Abril in Lewandowski aanu ka tagi doonin Allianz Arena xagaagan.

Oliver Kahn oo sii hadlayay “Waxaan noqon doonnaa kuwo doqomo ah haddii aan iibino ciyaaryahan dhaliya 30 ilaa 40 gool xilli ciyaareedkii” ayuu yiri goolhayihii hore ee Bayern iyo Germany. “Waxa uu qandaraaskiisu dhacayaa June 2023, waxaana hubaal ah inuu nala joogi doono xilli ciyaareed kale.”

Si kastaba ha ahaatee, mowqifka Bayern ayaa hadda noqon kara mid soo jilcaya iyagoo raadinaya inay maalgeliyaan u dhaqaaqista De Ligt. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Netherland ayaa qandaraaskiisa Juventus uga haray kaliya labo sanno, waxaana lagu soo waramayaa inuu u sheegay kooxda reer Talyaani inuu doonayo inuu u dhaqaaqo Munich.

Lewandowski ayaa Bayern ku sugnaa tan iyo 2014 wuxuuna u dhaliyay 344 gool tartamada oo dhan. Waxa uu Bayern ka caawiyay inay ku guuleysato sideed horyaal oo Bundesliga ah sideeddii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, iyo sidoo kale seddex koob oo Jarmal ah oo Lagu daray Hal koob oo Champions League-ga ah, waxaana hadda loo caleemo saaray gooldhaliyaha ugu sareeya horyaalka xilli ciyaareedkii shanaad oo xiriir ah.

De Ligt ayaa seddexdii xilli ciyaareed ee lasoo dhaafay la qaatay Juventus ka dib markii uu kaga soo biiray Ajax, waxaana uu kula guuleystay hal horyaal oo Seria A ah iyo hal Coppa Italia intii uu joogay Turin.

“Xavi wuxuu si aad ah u doonayaa weeraryahan heer caalami ah”

Wariyaha Sky ee Jarmalka Marc Behrenbeck Ayaa asigana yiri:

“Waxaan sameynay baaritaano badan, waxa aan ognahayna waa in Barcelona ay aad u xiiseyneyso Lewandowski.

“Barca isaga way rabtaa, Lewandowski waa u furan yahay Barcelona, ​​had iyo jeer waxay u ahayd riyo inuu ka ciyaaro Spain – midkood Real Madrid ama Barcelona.

“Waxaa jiray wadahadalo, Xavi wuxuu si aad ah u doonayaa weeraryahan heer caalami ah kaasoo dammaanad qaadi kara 30 gool iyo wax ka badan xilli ciyaareedkii.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close