Xavi Hernandez oo qosrheynaya inuu si deg deg ah u go’aamiyo masiirka De Jong

(Barcelona) 11 Luulyo 2022. Tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa damacsan inuu xaliyo masiirka ciyaaryahanka reer Holland ee Frenkie de Jong, kaasoo lala xiriirinayo inuu u dhaqaaqayo Manchester United ama Chelsea xagaagan.

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegay maanta oo Isniin ah in Xavi uu la kulmi doono De Jong, kahor inta uusan aadin magaalada Miami, si uu u bilaabo safarka Barcelona ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.

Wargayska ayaa tilmaamay in Xavi uu la kulmi doono maamulka Barcelona oo uu hogaaminayo Mateu Alemany oo ah agaasimaha ciyaaraha si uu ugu wargaliyo go’aanka ugu dambeeya ee Frenkie de Jong, marka laga soo tago in uu kala hadlo heshiisyo badan uu doonayo xagaagan.

Wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in Frenkie de Jong uu u sheegay shaqsiyaadka u dhow inuu doonayo inuu ka sii ciyaaro garoonka Camp Nou iyo inuu ku noolaado magaalada Catalonia.

Wargeyska ayaa sheegay in De Jong uusan xiiseyneynin dalabyada uu ka helayo Manchester United, iyo Chelsea, kaliya ay yihiin warar xan ah ay buunbuuniyeen saxaafadda Ingiriiska, iyada oo aan tallaabo dhab ah la qaadin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close