Ten Hag oo go’aamiyay kantanka kooxda Man United ee xilli ciyaareedka soo socda

(Manchester) 11 Luulyo 2022. Ten Hag ayaa si cad u sheegay in Ronaldo wali ku jiro qorshihiisa, xilli uu tilmaamay in Maguire uu sii ahaan doono kabtanka Man Utd.

Ten Hag Oo shirkiisii jaraa’id ee maanta kuyiri:

“Ronaldo wali wuxuu ku jiraa qorshayaashayada, wuxuu seegay tababarka sababo shaqsi ah; Maguire ayaa sii ahaan doona kabtanka Man Utd xilli ciyaareedka soo socda

Erik Ten Hag oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu yiri:

“Cristiano Ronaldo iib ma’aha, waxa uu ku jiraa qorshayaashayda -ma nala joogo sababo la xiriira arimo shakhsi ah. “

“Waxaan qorshaynaynaa inaan sii heysanno Cristiano Ronaldo xilli ciyaareedkan, taasi waa waxa kaliya aa idiin sheegi karro.”

Ten Hag waxaa La waydiiyay “Sidee looga farxiyaa Cristiano? Ma garanayo – waxaan rajeynayaa inaan la shaqeeyo isaga.”

Tababaraha Man United ayaa sidoo kale soo jeediyay in kabtannimada Maguire xilli ciyaareedka soo socda ay tahay mid aan shaki ku jirin.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close