Raheem Sterling oo tijaabada caafimaad u maray kooxda Chelsea

(London) 11 Luulyo 2022. Xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling ayaa ka gudbay tijaabada caafimaadka ee kooxda Chelsea, isagoo isku diyaarinaya inuu si rasmi ah ugu wareego Blues inta lagu guda jiro suuqa xagaagan.

Arintaan waxaa xaqiijiyay Suxufiga dhanka suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub lagu qaddariyo ee Fabrizio Romano, wuxuuna shaaca ka qaaday in heshiiska uu bilowday, isla markaana Raheem Sterling uu maray tijaabada caafimaadka ee kooxda Chelsea.

Fabrizio Romano ayaa bartiisa rasmiga ah ee “Twitter-ka” wuxuu ku soo qoray:

“Raheem Sterling waxa uu ku baasay qaybta ugu muhiimsan ee caafimaadkiisa London, shalay.”

“Sterling waxa uu saxiixay qandaraaska uu ugu wareegayo Blues ilaa June 2027, marka lagu daro dookh uu ku kordhin karo xilli ciyaareed kale, in si rasmi ah loo shaaciyo heshiiska kaliya waqti uun ayaa ka harsan.”

“Dhammaan waraaqiha la xiriira heshiiska Manchester City iyo Chelsea sidoo kale waa la saxeexay.”

Warbixinada laga soo sheegayo England ayaa waxay sidoo kale sheegayaan in heshiiska uu gaaray 45 million pounds, oo lagu daray gunnooyinka oo gaaraya ilaa 10 million pounds.

Si kastaba ha noqotee, Raheem Sterling wuxuu kula guuleystay Manchester City, 4 horyaal oo Premier League ah, hal koob FA Cup ah, 3 Carabao Cup, wuxuuna dhaliyay 131 gool, 339 kulan oo uu la ciyaaray Citizens.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close