Ousmane Dembélé oo gaaray Barcelona si uu u cusbooneysiiyo qandaraaskiisa kooxda

(Barcelona) 11 Luulyo 2022. Xiddiga heerka caalami xulka qaranka France ee Ousmane Dembélé ayaa ku dhow inuu qandaraaska u cusbooneysiiyo kooxda Barcelona.

Dembele ayaa qandaraaska uu kula jiro Barca waxa uu dhacay dhamaadkii bishii hore, mana uusan la saxiixanin koox kale ilaa hadda.

Sida laga soo xigtay wariyaha Fabrizio Romano, oo ah khabiir ku xeel dheer suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub, Dembele ayaa gaaray Barcelona, si uu u dhameystiro inta ka harsan heshiiska cusub ee Barca, oo uu si rasmi ah u cusbooneysiiyo.

Fabrizio Romano ayaa tilmaamay, in ay ku heshiiyeen Barcelona iyo Dembele in la cusbooneysiiyo laba xilli ciyaareed, ilaa xagaaga 2024.

Romano ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyay in Ousmane Dembélé uu ugu danbayn ogolaaday in uu dhimo dalabkiisa dhaqaale ee ku saabsan mushaharkiisa.

Warbixintan ayaa lagu xusay in mushaarka Dembélé uu 40% ka yaraan doono mushaarkiisa tobankii sano ee la soo dhaafay, laakiin wuxuu heli karaa gunnooyin badan oo ku saleysan waxqabadkiisa xilli ciyaareedka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close