Di María oo sharraxay sababta uu u doortay inuu ku biiro Juventus

(Turin) 11 Luulyo 2022. Xiddiga reer Argentine Angel Di Maria ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay u dhaqaaqista Juventus.

Dhinaca kale Angel Di Maria ayaa muujiyay inuu rajeynayo inuu ku guuleysto dhammaan koobabka suurtagalka ah xilli ciyaareedka soo socda.

Di Maria ayaa si xor ah uga tagay Paris Saint-Germain, kadib markii uu qandaraaskiisu dhacay dhammaadka bishii June ee lasoo dhaafay.

Waxaa jiray kooxo dhowr ah oo xiiseynayay helitaanka adeegiisa, oo ay hogaaminayaan Barcelona iyo Juventus, laakiin wuxuu go’aansaday ugu dambeyntii inuu ku biiro kooxda Bianconeri.

Xiddiga reer Argentina ayaa sababta uu u doortay Juventus ku sheegay in uu doonayo in uu ka ciyaaro kooxda ugu fiican Italy kaddib markii uu la soo ciyaaray kooxaha Real Madrid, Man United iyo Paris Saint-Germain kuwaas oo loo arko in ay yihiin kuwa ugu fiican horyaaladooda.

“Talyaaniga waxa uu ahaa wadankii lumay, waxaana doonayay in aan la ciyaaro kuwa ugu fiican.”

Waa run in kooxdu aysan ku guuleysan horyaalka xilli ciyaareedkii hore, laakiin tani waxay i siineysaa dhiirigelinta inaan ku guuleysto dhammaan koobabka, Taasi waa sababta aan u dhahay haa Juventus.”

“Waxay ii tahay marxalad cusub, aad ayaan u faraxsanahay, laga bilaabo markii aan idhi haa, laga bilaabo maalinta koowaad, qof kasta oo kooxda ka tirsan waxa uu ii noqday sida qoys oo kale, si fiican ayay ii daryeelaan, aad ayaan u faraxsanahay.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close