Taageerayaal Liverpool ah oo soo buux dhaafiyay Thailand kahor kulanka saaxiibtinimo ee Man United… +SAWIRRO

(Bangkok) 10 Luulyo 2022. Liverpool ayaa waxaa soo dhaweeyay boqolaal taageereyaal ah oo soo gaaray Bangkok kulankoodii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub horaantii maanta.

Dadwayne aad u fara badan ayaa isugu soo baxay caasimadda Thailand si ay u salaamaan tababaraha Jurgen Klopp iyo sida Ciyaartoyda Virgil van Dijk iyo Thiago iyadoo Reds ay la ciyaari doonto Manchester United Talaadada garoonka Rajmangala Stadium.

Qaar ka mid ah xubnaha xisbiga Liverpool ee socdaalka ku jooga ayaa la arkayay iyaga oo dib ugu gacan haatinaya taageerayaasha kuwaas oo xirnaa funnaanaddo, isla markaana sitay boorar ay ku salaamayaan kooxda lixda jeer ku guulaysatay Champions League-ga markii ay ka dhoofayeen garoonka.

Saxiixa cusub ee Darwin Nunez ayaa lagu arkay sidoo kale Tababaraha iyo waliba xiddiga Mo Salah kaas oo dhawaan saxiixay heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogayo.

Kabtan Jordan Henderson iyo kabtan ku xigeenka James Milner ayaa sidoo kale la arkayay iyaga oo u sii socda baska kooxda.

Reds ayaa xaqiijisay 37-cayaaryahan ee safarka Thailand iyo Sinapore subaxnimaddii horre ee saaka, iyadoo dhowr waji oo caan ah lagu magacaabay booqashada.

Si kastaba ha ahaatee waxaa jiray dhowr magac oo caan ah oo ka maqan liiska, oo ay ku jiraan goolhayaha kaydka ah Caoimhin Kelleher, daafaca midig ee cusub Calvin Ramsay iyo da’yarka Kaide Gordon.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close