“Pochettino ayaa tababare u noqon doona kooxda, haddii uu baxo Guardiola” – Halyeey Man City ah

(Manchester) 10 Luulyo 2022. Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Trevor Sinclair ayaa sheegay in macalinka reer Argantina ee Mauricio Pochettino uu yahay musharaxa ugu horreeya ee bedelaya tababaraha reer Spain ee Pep Guardiola haddii ay dhacdo inuu ka tago kooxda City sanadka soo socda.

Mauricio Pochettino ayaa laga ceyriyay shaqada tababaranimo ee kooxda Faransiiska ee Paris Saint-Germain kaddib markii uu awoodi waayay inuu ku guuleysto koobka Champions League mudaddii uu joogay.

Shabakada Talk Sport ayaa shaacisay wareysi uu bixiyay Ciyaaryahankii hore ee Manchester City Trevor Sinclair, wuxuuna yiri:

“Pochettino waa tababare heersare ah, waana uu ku fiican yahay la macaamilka xiddigaha, wax dhib ah kuma lahan awooda ciyaaryahanka ka hoos shaqeyneysa.”

“Waxaan soo aragnay sida uu u soo maamulay Lionel Messi, Kylian Mbappé iyo Neymar, sidaas darteed waxaan aaminsanahay in Man City ay gali doonto gacan aamin ah.”

“Waa nin soo jiidasho leh, waxaana filayaa inuu si fiican uga soo muuqanayo warbaahinta.”

“Waxaan dareemayaa in Manchester City ay noqon karto kooxda ku haboon isaga, waxaan u maleynayaa inuu heli doono fasax furan ilaa xagaaga soo aadan, hadii Pep Guardiola uu baxo sanadka soo socda, kursiga tababaraha Manchester City ayaa gabi ahaanba diyaar u ah Pochettino.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close