Faahfaahinta heshiiska Raheem Sterling ee kooxda Chelsea oo shaaca laga qaaday

(London) 10 Luulyo 2022. Saxafiga caanka ah ee looga harray arrimaha suuqa kala iibsiga ciyaartoyda, ayaa xaqiijiyay in maamulka Chelsea uu heshiis dhameystiran ka gaaray saxiixa xiddiga Manchester City ee Raheem Sterling, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.

Magaca Raheem Sterling ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Manchester City xagaagan kaddib markii Chelsea ay xiiseyneysay xiddiga reer England.

Raheem Sterling ayaa sidaas ku noqon doona heshiiskii ugu horeeyay uguna muhiimsan ee Chelsea suuqa xagaagan, gaar ahaan tababaraha Blues Thomas Tuchel ayaa si xoogan u doonayay xiddiga xilli ay soo baxayeen warar sheegaya Hakim Ziyech uu ku dhowyahay inuu baxo.

Fabrizio Romano ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Chelsea ay heshiis kama dambeys ah la gaartay Manchester City si ay ula wareegto Raheem Sterling adduun dhan 45 million pounds, marka lagu daro 10 kale oo gunnooyinka heshiiska ah.

Fabrizio ayaa sharaxay in Chelsea ay Raheem Sterling heshiis shaqsi ah la gaartay maalmo ka hor, iyadoo Blues ay heshiis shan sano ah kula soo saxiixaneyso garabka reer England ilaa xagaaga 2027, iyadoo ay macquul tahay in qandaraaska loo kordhiyo. xilli ciyaareed kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close