Chelsea oo go’aamisay qiimaha ay Azpilicueta kaga iibineyso Barcelona

(London) 10 Luulyo 2022. Chelsea ayaa ku dalbanaysa 7 milyan ginni Azpilicueta iyada oo Barca ay u aragto daafaca inuu yahay mudnaanta koowaad.

Cesar Azpilicueta ayaa weli bartilmaameed muhiim ah u ah Barcelona xagaagan, laakiin qiimeynta Chelsea ee daafaca ayaa muujineysa dhibaato.

Azpilicueta ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Barcelona taas oo ka dhigaysa in mushaar kordhin loo sameeyo, laakiin Chelsea ayaa ku dooneysa lacag dhan 7 milyan ginni, sida lagasoo xigtay Goal.com

Barcelona ayaa durba suuqaan kala soo wareegtay hal daafac oo ka tirsan Chelsea, iyadoo Andreas Christensen uu ku biiray ka dib markii uu dhacay qandaraaska uu kula jiro Blues.

Azpilicueta ayaa sidoo kale galay sanadkii ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Stamford Bridge laakiin hal sanno oo dheeri ah ayaa si toos ah ugu bilaabatay bishii March markaas oo uu saftay 35 kulan xilli ciyaareedkii hore. Waxaa lagu wadaa inuu sannaddkii qaato 11 milyan oo ginni canshuurta ka hor haddii uu ku biiro Barcelona.

32-sano jirkaan ayaa ka ciyaari kara daafaca midig ama daafaca dhexe, waxaana dhowr bilood xiiseynaysay Barcelona laakiin weli heshiis lama gaarin.

Si kastaba ha ahaatee, Barcelona ayaa dooneysa inay Azpilicueta ka saxiixdo heshiis labo sanno ah, waxaana ay rajeynaysaan inay heshiis la gaarto.

Barcelona ayaa sii wadaysa inay u adkaysato dhibaatooyinka dhaqaale, laakiin waxay dareensan tahay in Azpilicueta uu noqon doono saxiix muhiim u ah kooxda

Azpilicueta ayaa aad u doonaya in uu ku laabto dalkiisa hooyo ee Spain waxaana uu xiriir fiican la leeyahay tababaraha Barcelona ee Xavi.

Marka laga soo tago Christensen, Barcelona ayaa sidoo kale la soo wareegtay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Franck Kessie kaasoo ay kusoo qaataan beeca xurta ah

Daafacan reer Spain ee Azpilicueta oo ka yimid Marseille sanadkii 2012, ayaa 476 kulan u saftay Chelsea.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close