Van der Vaart oo u dooray De Ligt kooxda ku haboon inuu ku biiro haddii uu ka tago Juventus… (Ma Chelsea mise Bayern Munich?)

(Turin) 08 Luulyo 2022. Halyeeyga kooxda Tottenham Hotspur ee Rafael van der Vaart ayaa ugu baaqay xiddiga heerka caalami ee dalka Holland iyo naadiga Juventus ee Matthijs de Ligt, inuu diido dalabka Chelsea oo uu u dhaqaaqo Bayern Munich .

Blues ayaa durba wadahadal la gashay marwada duqda ah, si ay u hesho adeega 22-sano jirkaan, xilli ay sidioo kale xiiseynayaan kooxda Bavarianka, inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Wargeyska Metro ayaa baahiyay wareysiga Halyeeyga kooxda Tottenham Hotspur iyo xulka Holladn ee Rafael van der Vaart, wuxuuna yiri:

“Waan ku farxi lahaa inaan haysto de Ligt, u dhaqaaqista Bayern Munich waa tallaabo ku haboon isaga.”

Rafael van der Vaart oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu carabka ku adkeeyay:

“Waa ciyaaryahan da’ayar ah oo aad u fiican, waana daafac weyn, Matthijs waxaa u fiicnaan lahayd Bayern.”

“Weligay taageere weyn uma noqon Niklas Süle, haddii lagu beddelo De Ligt, Bayern way horumari doontaa, sida iska cad Matthias ayaa ka fiican, waa heshiis mustaqbalka.”

“Bayern Munich had iyo jeer waxay leedahay siyaasad caqli gal ah ee suuqa kala iibsiga, ma jiraan heshiisyo aad u weyn.”

“Laakiin waxaa jirta siyaasad si fiican looga fakaray, keenista Sadio Mane iyo De Ligt waxay noqon doontaa hadal cajiib ah oo ku wajahan Bundesliga iyo Yurub inteeda kale.”

Qaar ka mid ah wargeysyada Talyaaniga ayaa xaqiijiyay in daafaca reer Holland uu codsaday inuu ka tago kooxda Juventus, maadaama qandaraaskiisa kooxda Talyaaniga uu dhacayo June 2024.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close