Ribéry oo u bishaareeyay Mane kahor inta uusan bilaabin xirfadiisa shaqo ee kooxda Bayern

(Munich) 08 Luulyo 2022. Halyeyga Bayern Munich ee Franck Ribéry ayaa ka hadlay ku biirista Sadio Mane ee kooxda Bavarian-ka, kaasoo dhawaan laga soo wareejiyay naadiga reer England ee Liverpool.

Mane ayaa maalmo ka hor dhamaystiray ku biiristiisa kooxda Bavarian-ka, kaddib markii uu soo gabagabeeyay xirfadiisa ciyaareed ee Liverpool, oo guulo la taaban karo oo muhiim ah uu la gaaray.

Haddaba shabakada Sportskeeda ayaa shaacisay wareysiga uu bixiyay halyeyga Bayern Munich ee Franck Ribéry, wuxuuna yiri:

“Waxaan kaliya ugu hambalyeynayaa Bayern Munich saxiixa Sadio Mane, tani waa heshiis weyn oo Bundesliga oo dhan ah.”

“Dabcan hadda tartanku waa weyn yahay, Sadio Mane meel walba ayuu ka ciyaari karaa, kaliya ma ahan dhanka bidix.”

“Waxaan xusuustaa xamaasadii weyneyd ee aan dareemay markii aan ku biiray Bayern 2007, marka loo fiiriyo Mane, rajada ayaa noqon doonta mid aad u sareysa, laakiin waxaan filayaa in Mane uu guuleysan doono.”

“Bilawga wanaagsan wuxuu noqon doonaa mid muhiim ah, waxaan ka ogahay khibradeyda in taageerayaasha Bayern ay u fududeeyaan bilawga ciyaaryahan kasta sababtoo ah waxay kugu soo dhaweynayaan gacmo furan.”

Yeelkeeda, Mane waxa uu Liverpool la soo ciyaaray intii u dhaxaysay 2016 iyo 2022,waxana mudadaas uu Reds u matalay 269 kulan tartamada oo dhan isaga oo u dhaliyay 120 gool, wuxuuna caawiyay 48 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close