RASMI: Juventus oo ku dhawaaqday saxiixa Ángel Di María

(Turin) 08 Luulyo 2022. Juventus ayaa si rasmi ah u shaacisay, sidii la filayey, in xiddiga heerka caalami ee dalka Argentina Angel Di Maria uu ku biiray safkeeda, isaga oo saxiixay heshiis ill June 2023.

Xiddiga reer Argentina ee Angel Di Maria ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub ee Juventus maaliyada lambarka 22-aad, laga bilaabo xilli ciyaareedka cusub.

Angel waxa uu si xor ah ugu biiray safka kooxda Juventus, kddib markii uu dhacay qandaraaskii uu kula jiray kooxda reer France ee PSG dhamaadka xilli ciyaareedkii hore, wuxuuna doortay inuu si xur ah ugu biiro Juventus.

Di Maria ayaa gaaray magaalada Turin saacadihii ugu dambeeyay ee Khamiista, isaga oo saakay maray tijaabada caafimaadka, kahor inta aysan Juventus si rasmi ah u shaacin saxiixiisa.

Waxaa xusid mudan in xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Argentina uu ka qayb qaatay 26 kulan oo horyaalka France ah xilli ciyaareedkii hore, kuwaas oo uu ku dhaliyay 5 gool, wuxuuna sidoo kale caawiyay 8 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close