RASMI: Jack Wilshere oo ku dhawaaqay inuu ka fariistay kubadda cagta

(London) 08 Luulyo 2022. Ciyaaryahankii hore ee Arsenal ee Jack Wilshere ayaa ku dhawaaqay inuu ka fariistay ciyaaraha kubadda cagta isagoo 30 jir ah.

Laacibkii hore ee khadka dhexe ee Arsenal iyo England ayaa go’aansaday inuu iska siibo kabaha kubadda cagta isagoo u saftay 182 kulan oo Premier League ah iyo 34-kulan dalkiisa.

Wilshere ayaa xilli ciyaareedkii hore la qaatay kooxda reer Denmark ee Aarhus laakiin waxa ay todobaadkan shaaciyeen in xiddigii hore ee England aanu soo laaban doonin xilli ciyaareedka dambe.

Laacibka labada jeer ku guuleystay FA Cup ayaa 17-sanno la joogay Arsenal, isagoo ka soo baxay da’ayarta kahor inta uusan safan kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee kooxda 2008-dii, waxaana uu noqday ciyaaryahankii ugu da’ada yaraa ee u safta Arsenal isagoo jira 16-sanno iyo 256-maalmood.

Waxa uu u saftay 197 kulan kooxda koowaad ee Arsenal, ka hor inta uusan ka tagin 2018 si uu u raadsado fursad badan oo uu ugu ciyaaro kooxda koowaad ka dib imaatinka Unai Emery.

Wilshere, oo sidoo kale kula guuleystay Arsenal Community Shield iyo sidoo kale dhowr abaalmarin oo shaqsi ah oo ay ku jirto Abaalmarinta da’ayarta PFA ee 2010-11, ayaa 36 jeer u ciyaaray West Ham iyo Bournemouth.

Kaddib markii uu tababar la qaatay kooxdiisii ​​hore ee Arsenal isaga oo xur ah, waxa uu heshiis wakhti gaaban ah la saxiixday Aarhus bishii February laakiin waxa uu haatan doortay in uu kabaha iska siibo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close