PSG oo qorsheyneysa inay Lewandowski ka afduubato Barcelona

(Paris) 08 Luulyo 2022. Shabakada Foot Mercato ayaa ku warantay in kooxda reer France ee Paris Saint-Germain ay raadinayso saxiixa xiddiga reer Poland iyo naadiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Magaca Robert Lewandowski, oo 32 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Bayern Munich kaddib markii uu in ka badan hal jeer uu muujiyay rabitaankiisa xoogan ee ah inuu kaga tagayo kooxda Bavarian.

Barcelona ayaa ah musharaxa ugu cad cad ee saxiixa Robert Lewandowski gaar ahaan maadama uu xiddigan doonayo in uu u dhaqaaqo laakiin ilaa haatan Barcelona kuma guulaysan in ay Bayern Munich ku qanciso in ay u ogolaato xiddiga reer Poland.

Laakiin shabakada ayaa tilmaamtay in Paris Saint-Germain ay doonayso inay xagaagan samayso kacdoon wayn oo dhanka weerarka ah, maadaama ay hadda doonayso inay la soo wareegto Robert Lewandowski si ay kaga dhigato badelka xiddigo baxay iyo kuwa la filayo inay baxaan oo ay ka mid yihiin Di Maria, Mauro Icardi, iyo Neymar.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close