Gabriel Jesus oo ka sheekeeyay sababihii uu ugu biiray Arsenal kaddib markii uu ka tagay Man City

(London) 08 Luulyo 2022. Laacibka reer Brazil ee Gabriel Jesus, ayaa soo bandhigay sababihii uu ugu biiray Arsenal, kaddib markii uu ka tagay Manchester City.

25-sano jirkaan ayaa si rasmi ah ugu dhaqaaqay kooxda ka dhisan London ee Gunners, xagaagan, isagoo kaga soo biiray Man City, 45 million pounds.

Shabakada Goal ayaa shaacisay wareysiga uu bixiyay Gabriel Jesus kaddib imaatinkiisa kooxda reer London ee Arsenal, wuxuuna yiri:

“Nolosheyda, waxaan waligey jeclaa mashaariicda. Markii Edu uu ii yimid inuu ila hadlo, aad ayaan ugu farxay fikradaha Arsenal, iyo waxyaabaha ay rabaan inay sameeyaan.”

“Waan hubay inaan ku biirayo Arsenal, laakiin ka dib markii aan la hadlay Mikel Arteta, waxaan hubay %100, sababtoo ah isaga waan ku kalsoonahay, waxaan aaminsanahay kooxdan weyn, waxaan ku kalsoonahay nafteyda iyo ciyaartoyda sidoo kale.”

“Mar hore ayaan la soo shaqeeyay Arteta, sidaa darteed wax yar ayaan garanayaa fikradihiisa, waan garanayaa sida uu doonayo in uu u ciyaaro, waxa aan u malaynayaa in uu aad ula mid yahay Pep Guardiola, waxa aan u imid in aan isku dayo in aan caawiyo ciyaartoyda Arsenal.”

“Si fiican ayaan u ciyaari doonaa una tababaran doonaa, dhammaadka xilli ciyaareedkan, waxa aan hubaa in aan ku guulaysan doono koob, waxa aan doonayaa in aan ku guulaysto koob.”

“Marka aad tiraahdo Arsenal, waxaad ula jeedaa Thierry Henry, waa ciyaaryahan gaar ah, mid ka mid ah ciyaaryahanadii ugu fiicnaa abid, laakiin ma doonayo inaan noqdo Henry cusub.”

“Waxaan rabaa inaan magac ku yeesho naftayda taariikhda kooxdaan. Waxaan ag joogi doonaa 90-ka daqiiqo ee kulan kasta xerada ganaaxa, waxaana isku dayi doonaa inaan gool dhaliyo oo aan caawiyo.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close