Di Maria oo gaaray magaalada Turin si uu isugu diyaariyo ku biiristiisa Juventus

(Turin) 08 Luulyo 2022. Xiddiga reer Argentina Angel Di Maria ayaa gaaray magaalada Turin ee dalka Talyaaniga, isagoo isku diyaarinaya inuu ku biiro kooxda Juventus.

Di Maria ayaa soo gabagabeeyay xirfadiisa ciyaareed ee kooxda Paris Saint-Germain, Juventus ayaana saxiixiisa kula tartantay Barcelona kahor inta aysan Juve ku guuleysan tartanka loogu jiray saxiixiisa.

Wararka talyaaniga ayaa sheegaya in Ángel Di María uu heshiis la gaaray Juventus, si uu ugu saxiixo qandaraas hal sano ah oo ku kacaya 7 million euros.

Si kastaba, Di Maria ayaa lagu wadaa in manta oo jimca ah uu baaris caafimaad ku maro magaalada Turin, kahor inta uusan saxiixin heshiis cusub isla markaana si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Di Maria waxa uu u soo ciyaaray Paris Saint-Germain intii u dhaxaysay 2015 iyo 2022, wuxuuna matalay maaliyada kooxda PSG 295 kulan tartamada oo dhan, wuxuu dhaliyay 93 gool, isaga oo caawiye ka noqday 119 gool kale.

Xiddiga reer Argentina ayaa hore ugu soo ciyaaray kooxaha Real Madrid, Benfica, iyo Rosario Central ee Argentina, si la mid ah Manchester United, Di Maria ayaa 122 kulan oo heer caalami ah la qaatay xulka qaranka Argentina wuxuuna dhaliyay 25 gool.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close