CIID WANAAGSAN: Gool FM oo ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyaynaysa munaasabadda Ciidul Adxaa

(Muqdisho) 08 Luulyo 2022 – Qorayaasha, shaqaalaha iyo dhammaanba howl-wadeenka goofm.net waxay hambalyo ku aaddan Ciidul Adxaa u dirayaan dhammaan shacabka Muslimiinta ah ee caalamka guud ahaan, gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed.
Waxaan sanadkan sanadkiisa kale umadda Soomaaliyeed u rajaynaynaa inay ku gaaraan caafimaad, nabad iyo baraare ay dhibka uga raystaan.
Kulla caam wa antum bi alfi khayr.
Gool FM.