Chelsea oo isku diyaarinaysa in ay qaado ololihii ugu dambeyay ay ku doneyso saxiixa Jules Kounde

(London) 08 Luulyo 2022. Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay qaado weerarkii ugu dambeeyay ee ay ku doonayso daafaca dhexe ee kooxda Sevilla Jules Kounde

Chelsea ayaa isku diyaarinaysa in ay qaado weerarkii ugu dambeeyay ee daafaca dhexe ee Sevilla iyo bartilmaameedka Barcelona ee Jules Kounde sida laga soo xigtay warbaahinta Ingiriiska.

Kooxda ka dhisan Galbeedka London ayaa doonaysa in ay wax badan u soo bandhigto xiddiga reer France laakiin xiisaha ay u qabaan ciyaartoyda kale ayaan si fiican u fadhiisan.

Chelsea ayaa dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay eegtay dhowr daafac dhexe oo kale taasoo la micno ah in Kounde mudnaanta uu hadda leeyahay ay tahay Barcelona, ​​taasoo bilowgiiba si cad u sheegtay inuu yahay dookhooda koowaad.

Laakiin Kounde ayaa sidoo kale ka warqaba xaalada dhaqaale ee xun ee Barcelona diyaarna uma aha inuu sugo kooxda reer Catalan, haddii heshiis lala galo Chelsea wuu ku biiri doonaa.

Kounde ayaa ku biiray Sevilla xagaagii 2019 isaga oo kaga soo biiray Bordeaux saddex xilli ciyaareed kadib waa mid ka mid ah daafacyada dhexe ee aadka loo qiimeeyo ee kubadda cagta yurub.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close