Van Persie oo farriin u diray taageerayaasha Man United taasoo ku saabsan saxiixooda cusub ee Tyrell Malacia

(Manchester) 07 Luulyo 2022. Halyeeyga reer Holland iyo kooxda Manchester United ee Robin van Persie ayaa farriin u diray taageerayaasha Red Devils, taasoo ku saabsan saxiixooda cusub ee Tyrell Malacia.

Manchester United ayaa laba maalmood ka hor ku dhawaaqday saxiixa daafaca garabka bidix ee Tyrell Malacia, kaasoo ka yimid kooxda Feyenoord.

Macalinka cusub ee Manchester United Erik ten Hag, ayaa doonaya inuu si xooggan ku bilaabo mustaqbalkiisa kooxda, waxaan uu rajaynayaa in maamulku ay ka caawiyaan heshiisyo adag oo kor u qaadaya fursadiisa ciyaareed.

Halyeeyga reer Holland iyo Manchester United ee Robin van Persie oo ka hadlayay saxiixa cusub ee kooxda Tyrell Malacia, ayaa wuxuu yiri:

“Tyrell Malacia waxa ay noqon doontaa mid wax ku soo kordhin kara Manchester United.”

“Waxaan rabaa inaan ugu hambalyeeyo Tyrell Malacia ku biiristiisa cajiibka ah ee uu ugu dhaqaaqay Manchester United, tani waa waqti ku weyn xirfadiisa ciyaareed.”

“Waxaad muujisay kalsoonida aad ku qabto naftaada iyo kartidaada weyn iyo shaqadaada adag ee maalin kasta ah, taasoo ka dhigeysa in riyooyinka ay rumoobaan.”

“Taageerayaasha Manchester United, kaliya ma helin daafac tayo leh, laakiin sidoo kale waxay heleen qof aad u wanaagsan.”

“U naxariista oo taageera waqtiyada wanaagsan iyo kuwa xunba, wax walba ayuu siin doonaa kooxda, waana hubaa inuu abuuri doono xiriir weyn.”

Malacia waa 22 sano jir, waxa uu ku fiican yahay ka ciyaarista daafaca garabka bidix, waxaana uu qandaraaska kooxdiisa cusub ee Manchester United soonayaa ilaa June 2026.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close