RASMI: Barcelona oo saxaafada u soo bandhigtay saxiixeeda cusub ee Andreas Christensen

(Barcelona) 07 Luulyo 2022. Daafacii hore ee kooxda Chelsea Andreas Christensen ayaa si rasmi ah loogu soo bandhigay Saxaafadda.

26 jirkaan ayaa u ciyaaray Blues 161 kulan, isagoo kula guuleystay Champions League, Europa League iyo Club World Cup lix sano oo uu ku sugnaa garoonka Stanford Bridge.

Hadda waxa uu Barca u saxiixay heshiis afar sanno ah, waxaana lagu burburin karaa 420 milyan ginni.

Muuqaal laga soo duubay bandhigga oo lagu daabacay bogga rasmiga ah ee kooxda ayaa muujinaya Christensen oo ku labisan dharka caadiga ah madaxweynaha Barcelona Joan Laporta oo ku sugan goobtooda tababarka.

Kooxda reer Catalan ayaa sidoo kale soo bandhigtay sawiro muujinaya Christensen oo gacanta ku haya funnaanadda kooxdiisa cusub, inkastoo aysan wali cadeyn lambarka uu xiran doono maadaama funnaanaddu ay aheyd mid aan tiro laheyn.

Isagoo ka hadlaya daah-furka, Christensen wuxuu yiri: “Aad ayaan ugu hanweynahay. Waxay ahayd riyo muddo aad u dheer, tan iyo yaraantaydii.”

“Runtii aad iyo aad ayaan ugu mahad-naqayaa Madaxweynaha iyo Madaxweyne-ku-xigeenka sida wanaagsan ee ay hawshaa u qabteen. riyadeedii ayaa rumowday, mana sugi karo inaan bilaabo uciyaaridda Barva.’

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Denmark ayaa ah saxiixii labaad ee Barcelona ay sameyso maalmo gudahood, ka dib markii Franck Kessie uu Arbacaddii ka yimid kooxda heysata horyaalka Talyaaniga ee AC Milan.

Waxaa xusid mudan in labadda ciyaaryahan ay ku yimaadeen beeca xurta ah, iyadoo Barcelona ay la legdameyso arrimo dhaqaale oo xaddidaya inay la soo wareegto ciyaartoyda.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close