Maxay tahay faa’iida weyn ee AC Milan ku qabto heshiiska uu Sterling ugu biirayo Chelsea?

(Milano) 07 Luulyo 2022. Chelsea ayaa ku dhow inay la soo wareegto xiddiga Manchester City Raheem Sterling, laakiin kooxda Milan ayaa laga yaabaa inay ka mid noqoto kooxaha ka faa’iidaysan kara heshiiska laacibka reer England.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday Football Italia, la saxiixashada Sterling ayaa waxay si weyn u caawin kartaa AC Milan, si uu ugu fududaato heshiiska ay ku dooneyso xiddiga reer Morocco iyo kooxda Chelsea ee Hakim Ziyech.

Warbixinta ayaa lagu xaqiijiyay in Milan ay dooneysay inay meel mariso heshiiska amaahda ah ay ku dooneyso Hakim Ziyech, iyada oo uu heshiiska qeyb ka yahay inay si toos ah ugu iibsan karto qiimo u dhexeeya 25-30 million euros, iyadoo labada dhinac aysan wali ku heshiinin qiimihii ugu dambeeya.

Warbixinta ayaa tilmaamtay in wax walba ay furmi karaan dhawaan, gaar ahaan haddii ay Chelsea soo afjarto heshiiska ay kala soo saxiixaneyso Raheem Sterling kooxda Manchester City.

Ziyech waa 29 jir, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista khadka dhexe ee weerarka, wuxuuna qandaraas kula jiraa Chelsea ilaa June 2025.

Ziyech ayaa u soo dhaqaaqay Chelsea 2020 isaga oo kaga soo biiray Ajax Amsterdam, xiddiga Morocco waxa uu u ciyaaray naadiga Blues, 83 kulan tartamada oo dhan, isaga oo dhaliyay 14 gool, wuxuuna saaxiibadiisa ka caawiyay 10 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close