Arsenal oo suuqa dhigtay Pepe, Bellerin iyo illa 5 xiddig kale si ay dib ugu habeeyaan kooxda

(London) 07 Luulyo 2022. Kooxda Premier League ka dhisan ee Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay suuqa dhigtay ilaa 7 ciyaartoy si ay dib u habayn ugu samayso kooxdeeda xagaagan.

Nicolas Pepe, Bernd Leno, Hector Bellerin, iyo afar ciyaartoy oo kale ayaa lagu daray liiska ciyaartoy ee ka bixi kara kooxda ka dhisan waqooyiga London.

Mikel Arteta’ ayaa yiri: “Arsenal waxay u adkaysatay dhamaadka dadaal muddo soo socday oo lagu soo gaba-gabeeyay Fashil xilli ciyaareedkii 2021-22 Waxaan luminnay awooddeenna isbuucyadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedka, ugu dambeyntiina waxaan waynay kaalinta afaraad iyadoo ay naga farro xayuubsatay kooxda aan xafiiltanno ee Tottenham Hotspur.”

Gunners ayaa horay ula soo saxiixatay Gabriel Jesus, Fabio Vieira, Marquinhos iyo Matt Turner si ay ugu xoojiyaan kooxdooda.

Arsenal ayaa doonaysa in ay xiddigo kale ku soo darto safkeeda, kuwaas oo ay muhiim u tahay in ay iska iibiyaan xiddigo aan qaab ciyaareedkoodu hoos dhacay. Sida warbixinta lagu sheegay, waxa ay iibinayaan Pepe, Leno, Bellerin, Lucas Torreira, Pablo Mari, Ainsley Maitland-Niles, iyo Reiss Nelson xagaagan.

Si kastaba ha ahaatee, warbixinta, ayaa intaa ku dareysa inay ku adag tahay inay dalabyo halis ah u helaan ciyaartoydaan.

Bellerin ayaa doonayay in uu si joogto ah u sii joogo Real Betis laakiin waxa uu amaah uga soo laabtay tababarka xilli ciyaareed isku diyaarinta ah. Torreira, oo amaah ku joogay Fiorentina xilli ciyaareedkii hore, ayaan sidoo kale si joogto ah ugu biiri karin kooxda reer Talyaani, iyagoo kaliya 6 milyan ginni laga soo gudbiyay ciyaaryahanka khadka dhexe. Mari, Maitland-Niles, iyo Nelson waxay amaah ku joogeen Udinese, Roma, iyo Feyenoord,

Dhanka kale Arsenal ayaa kalsooni ku qabta inay 30 milyan ginni kula soo saxiixan karto Youri Tielemans

Kooxda garoonka Emirates ku ciyaarta ayaa rajeyneysa inay xoojiso khadkeeda dhexe kahor xilli ciyaareedka 2022-23, waxaana ay indhaha ku hayaan ciyaaryahanka khadka dhexe ee Leicester City Youri Tielemans.

Sida laga soo xigtay wargeyska The Sun, kooxda Arteta ayaa kor u qaaday xiisaha ay u qabaan xiddiga reer Belgian, waxayna isku diyaarinayaan inay bixiyaan dalab la taaban karro, Gunners ayaa lasheegay inay aaminsantahay in Foxes ay ku fasaxi doonto xiddigooda khadka dhexe lacag dhan 30 milyan ginni.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close