Man United oo lagu dhaleeceeyay bixitaanka Ronaldo

(Manchester) 06 Luulyo 2022. Manchester United ayaa dhaleecayno faro badan loo jeediyay kafdib markii ay tixgaliyeen suurtogalnimada uu Cristiano Ronaldo kaga Tagi karro bishaan.

Waa isbedel weyn oo ka dhacaya garoonka Old Trafford, iyadoo tababaraha cusub Erik ten Hag uu la wareegayo shaqada, waxaana muuqata in Ronaldo inuu u socdo albaabka ka bixista kaddib markii uu ku guuldareystay inuu soo xaadirro tababarka isku diyaarinta xilli ciyaareedka ee isbuucan, isagoo ku mar-marsiyooday inuu kumashquulay arrimo qoys.

Jamie O’Hara oo ka tirsan TalkSPORT ayaa ku dhaleeceeyay kooxda inay u ogolaatay Ronaldo inuu injineer ka noqdo bixitaankiisa, isagoo ku adkeystay in halyeeyga Portugal uu yahay ‘ciyaaryahankooda ugu fiican’.

O’Hara Isagoo ka hadlayay habeenimadii Talaadada, wuxuu yiri: “Ronaldo wuxuu ahaa gooldhaliyahooda ugu sareeya xilli ciyaareedkii hore, wuxuu u soo bandhigay qaab ciyaareed heer-sarre ah. Wuu ka tagay sababtoo ah wuxuu arkayaa inay yihiin markab quusaya.

“Waxay ku qaldan yahiin sidoo kale cayb ayay ku tahay inay u ogolaadaan inuu baxo, waa ciyaaryahankooda ugu fiican.

“Waxa uu is qariyaba bilo kaddib, waxuu sheegay inuusan ku faraxsanayn Manchester United Oo uu doonayo inuu koobab qaado”.

The Blues ayaa u muuqata inay tahay kooxda ugu cadcad saxiixiisa kaddib markii milkiilaha cusub ee Todd Boehly uu la fadhiistay wakiilka Ronaldo Jorge Mendes si ay uga wadahadlaan heshiiska macquulka ah.

Boehly ayaa raadinaya saxiixii ugu horeeyay ee suuqa kala iibsiga, Ronaldo ayaana La sheegayaa inuu ogolyahay kubiiridda Kooxda reer London, xilli Blues ay dooneyso inay tartan La gasho Manchester City iyo Liverpool.

Dhanka kale, Bayern Munich iyo Napoli ayaa sidoo kale isha ku haya mustaqbalkiisa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close