Laporta oo inta lagu guda jiray xafladda soo dhaweynta Franck Kessie ka hadlay mustaqbalka De Jong

(Barcelona) 06 Luulyo 2022. Madaxwaynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa soo dhawayn u sameeyay sidoo kale ka hadlay mustaqbalka Frank De Jong.

Franck Kessie oo uu garabkiisa taaganyahay Joan Laporta ayaa maanta lagu soo bandhigay garroonka tababarka Tito Vilanova ee Barcelona, ​​halkaasoo uu ku saxiixay qandaraaskiisa rasmiga ah.

Kessie ayaa ka hadlay sida uu ugu faraxsan yahay ku biirista Barcelona iyo sidoo kale hammiga uu u qabo in uu si adag u shaqeeyo oo uu guulo u soo hooyiyo kooxda reer Catalonia.

Ciyaaryahanka khadka dhexe reer Ivory Coast ee Kessie ayaa beeca xorta ah ugu biiray Barcelona isaga oo kaga soo biiray kooxda AC Milan kaddib markii uu dhacay heshiiskii uu kula jiray kooxda reer Italy.

Waxa uu saxiixay heshiis ilaa xagaaga 2026 ah oo uu ku joogayo garoonka Camp Nou, waxaana heshiiska lagu daray in lagu burburin karo 500 milyan oo Yuuro. Isaga oo xubin muhiim ah ka ahaa kooxdii Milan ee ku guuleysatay Scudetto xilli ciyaareedkii hore, markii ugu horeysay tan iyo 2011.

Macalinka reer Spain ee Xavi Hernandez ayaa rajeynaya inuu khibradaas guusha u keeno Barcelona.

Laporta ayaa Kessie ku soo dhaweeyay Barcelona intii ay socotay xafladii soo bandhigistiisa, waxaana sidoo kale wax laga waydiiyay mustaqbalka khadka dhexe ee Barcelona ee Frenkie de Jong.

Ciyaaryahanka reer Holland ee Frenkie de Jong ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu xagaaga u dhaqaaqayo kooxda reer England ee Manchester United.

Joan Laporta oo ka hadlayay arrintan ayaana yiri “Frenkie de Jong waa ciyaaryahan Barça. iib maaha, mana rabno inaan iibino.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close