“Salah ma guulaysan lahayn haddii uu Liverpool ka tagi lahaa” – John Barnes

(Liverpool) 05 Luulyo 2022. Halyeyga Liverpool ee John Barnes ayaa aaminsan in xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah oo ah xiddiga Reds uu qaatay go’aankii ugu fiicnaa ee uu qandaraaska ugu cusbooneysiiyay kooxda reer England.

John Barnes oo muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay heshiiska cusub uu u saxiixay Mohamed Salah kooxda Liverpool, wuxuuna yiri:

“Waxaa bilihii la soo dhaafay male-awaal ka qabnay mustaqbalka Mohamed Salah.”

“Hadda joogistiisa kooxda ee saddexda sanno ee soo socota, waxay u fiican tahay labada dhinac.”

“Salah waxa uu u dhaqaaqi karay koox kale oo uu ka heli karay lacag badan, laakiin ma ku guulaysan lahaa? jawaabtu waa maya, sababtoo ah ma jirto koox sidan oo kale uu qaab ciyaareedkan oo kale ku soo bandhigi karo isugana muujin karo sida Liverpool oo kale.”

“Waxa ugu muhiimsan ee ku biirista Sadio Mane ee Bayern Munich waa cusbooneysiinta qandaraaska Salah, Mane wuu baxay ka hor inta aanu Salah saxeexin heshiiska cusub, Liverpool dhibane uma noqon karto fikirka hal ciyaartoy ama mid kale.”

“Heshiis kordhinta Mohamed Salah ayaa ka dhib badnaa wada xaajoodyadii Mane.”

“Mane waa ciyaaryahan cajiib ah oo qurux badan, kaddib bixitaankiisa waxay ahayd in qandaraaska Salah la cusbooneysiiyo.” Ayuuu yiri halyeeyga Liverpool ee John Barnes.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close