RASMI: Man United oo ku dhawaaqday inay dhammeystirtay heshiiska Tyrell Malacia

(Manchester) 05 Luulyo 2022. Manchester United ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday saxiixa Tyrell Malacia, kaasoo ka yimid kooxda Feyenoord.

Manchester United ayaa bayaan ay soo dhigtay website-keeda rasmiga, waxaay ku sheegtay:

“Kooxda waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo in Tyrell Malacia uu ku soo biiray kooxda, isaga oo saxiixay heshiis dhacaya June 2026, oo leh khiyaar uu ku kordhin karo sannad kale.”

Dhankiisa daafacan reer Holland ayaa wuxuu ka hadlay dareenkiisa kaddib markii uu ku biiray kooxda Manchester United, wuxuuna yiri:

“Ku biirista Manchester United waa dareen aad u wanaagsan, waa bog cusub oo xirfadeyda ah, maadaama aan ka ciyaari doono horyaal cusub oo aan la ciyaari doono saaxiibo cusub iyo tababare weyn.”

“Waan garanayaa awooda Ten Hag iyo waxa uu ka codsanayo ciyaartoyda, isaga oo la ciyaaraya kooxihii uu soo tababaray ee horyaalka Holland.”

“Waan ogahay inaan wali da’yarahay, islamarkaana aan sii wadan doono horumarka, waxaan u balan qaadayaa taageerayaasha Manchester United inaan wax walba ku soo bandhigi doono gudaha garoonka markasta oo aan xiranahay maaliyada Red Devils.”

“Mar walbana waxaan uga mahadcelin doonaa kooxda Feyenoord waxa ay u sameeyeen aniga iyo qoyskaygaba.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close