Chelsea oo xiiseyneysa saxiixa daafac muhiim ka ah kooxda Bayern Munich

(London) 05 Luulyo 2022. Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa ka mid ah kooxo miisaan culus oo yurub ah kuwaas oo xiisaynaya daafaca reer France Benjamin Pavard oo ka tirsan Bayern Munich suuqa xaggaagan.

Sida laga soo xigtay Sky Sports Germany –Pavard waxaa doonaya Thomas Tuchel sidoo kale Atletico Madrid iyo Juventus.

Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka France Pavard, oo 26 jir ah, ayaa inta badan ka ciyaara daafaca middig, laakiin awoodiisa ciyaareed ayaa keentay inuu buuxiyo booska daafaca dhexe ee Bayern xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay.

Pavard ayaa 35 kulan u saftay Bayern tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore, waxaana uu u ciyaarayay kooxda Jarmalka tan iyo 2019, markaasoo uu Stuttgart kaga soo biiray heshiis 30 milyan ginni ah.

Dhanka Chelsea, xoojinta daafaca ayaa muhiim u ah xagaagan kaddib markii ay lumiyeen Andreas Christensen oo ku biiray Barcelona iyo Antonio Rudiger oo ku biiray Real Madrid, kuwaas oo labaduba kubaxay beeca xurta ah.

Bayern lose Pavard to metatarsal injury ahead of Chelsea clash

Barcelona ayaa sidoo kale xiiso u qabta Cesar Azpilicueta iyo Marcos Alonso, taasoo oo Chelsea caqab ku noqon karrto haddii ay xiddigahaas kasii baxaan garoonka Stamford bridge.

Tuchel ayaa la filayaa inuu helo taageeradda todd Boehly kaas oo faraha kasaari doono lacag caddaan ah oo uu ku qarash gareeyo xagaagan, Raheem Sterling oo u ciyaara Manchester City iyo magacyo kale oo blues qiimaheeda kor uqaadi karra.

Laakiin Pavard waxa uu noqon doonaa mid si fiican u soo kordhinaya darajooyinka daafaca, waxa uu 45 kulan u saftay France, waxaana uu qeyb ka ahaa kooxdii ku guuleysatay Koobka Adduunka ee 2018.

Waxa uu sidoo kale seddex horyaal oo Bundesliga ah iyo Champions League-ga kula guuleystay Bayern Munich.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close