Barcelona oo dalab macquul ah miiska u saartay Bayern si ay kaga hesho adeega Lewandowski

(Barcelona) 05 Luulyo 2022. Wargeyska Mundo Deportivo ee dalka Spain ayaa sheegay in Barcelona ay ku kalsoon tahay inay kooxda Bayern Munich ay u bandhigtay dalabka ku habboon oo ay kaga dooneyso inay kala wareegto saxiixa Robert Lewandowski, inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Lewandowski ayaa sheegay in wax ka badan hal mar uu doonayay inuu ka tago Bayern Munich si uu ugu biiro Barcelona, ​​hadaladan ayaa ka careysiiyay madaxda kooxda Bavarian-ka.

Wargeyska ayaa warbixintan uu daabacay wuxuu ku sheegay in wakiilka Robert Lewandowski uu u sheegay maamulka Barcelona in dalab 40 million euros ah ay ku qancinayso Bayern Munich, si ay kaga tanaasulaan adeega laacibka reer Poland, kaasoo ay kooxda reer Catalonia ay si dhab ah u soo bandhigtay.

Warbixinta ayaa waxay intaas ku dartay in inkastoo Bayern Munich ay soo bandhigtay rabitaankeeda ah inay 60 million euros ku hesho Lewandowski, Barcelona waxay si buuxda ugu qanacsan tahay in kooxda Jarmalka ah ay aqbali doonto dalabka ugu dambeeya ay miiska u saareen, marka loo eego in ciyaaryahanka uu ku adkeysanayo inuu baxo.

Barcelona ayaa aaminsan in 40 million euros ay qiimo macquul ah u noqon doonto Lewandowski, iyada oo la tixraacayo in qandaraaska ciyaaryahanka uu dhacayo hal sano kaddib, marka lagu daro xaqiiqda ah inuu 33 jir yahay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close