Xiddig cusub ee Liverpool ah oo farriin gaar ah u diray Mohamed Salah

(Liverpool) 04 Luulyo 2022. Ciyaaryahanka cusub ee kooxda Liverpool Fábio Carvalho, ayaa fariin gaar ah u diray xiddiga kooxda, Mohamed Salah, kaddib markii uu qandaraaska u kordhiyay Reds ilaa 2025.

Mohamed Salah ayaa soo afjaray khilaafkii bilihii lasoo dhaafay cirka isku shareeray isagoo heshiis cusub u saxiixay Liverpool, si ay sheekada xiddiga Masar uga sii socoto garoonka Anfield.

Haddaba sida laga soo xigtay SportSKeeda, Ciyaaryahanka cusub ee kooxda Liverpool Fábio Carvalho, ayaa fariin gaar ah u diray Mohamed Salah, wuxuuna yiri:

“Waan ku faraxsanahay in Salah uu saxiixay qandaraas cusub, sababtoo ah waa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican adduunka, waxaana doonayaa inaan wax ka barto.”

DEG DEG: Heshiiskii Liverpool Ay Kula Wareegeysay Fabio Carvalho Oo Burburay & Balanqaad Uu Sameeyay Laacibkaan - Laacib

“Waan hubaa in taageerayaasha oo dhan ay faraxsan yihiin, waxaana rajaynayaa in aan sanadkan awoodno in aan ku guulaysano koobab badan.”

Dhinaca kale Fábio Carvalho ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsan yahay la shaqeynta tababare Jurgen Klopp, wuxuuna yiri:

“Waxay ahayd mid ka mid ah sababaha ugu muhiimsan ee aan ugu biiray Liverpool.”

“Waan arkay waxa uu sameeyay iyo ciyaartoyda uu soo saarayay, waan hubaa inuu yahay qofka ku haboon ee aniga sidaas ii sameyn kara.”

Yeelkeeda, Fábio Carvalho waa 19 jir, wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista khadka dhexe ee weerarka, waxaana uu qandaraas kula jiraa Reds ilaa June 2027.

Carvalho ayaa u ciyaaray kooxda koowaad ee Fulham 44 kulan oo tartamada oo dhan ah, waxa uu u dhaliyay 12 gool, isaga oo sidoo kale caawiyay 8 gool kale.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close