RASMI: Arsenal oo ku dhawaaqday inay dhammeystirtay saxiixa Gabriel Jesus… (Lambarkee loo xiray??)

(London) 04 Luulyo 2022. Arsenal ayaa saaka oo isniin ah si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay si rasmi ah u dhammeystirtay saxiixa weeraryahankii reer Brazil ee Gabriel Jesus, kaas oo ay kala soo wareegeen Manchester City heshiis wakhti dheer ah.

Website-ka rasmiga ah ee Gunners-ka ayaa lagu sheegay in Jesus, oo 25 jir ah, uu si buuxda u dhameystiray heshiiska  uu ugu biiray Arsenal, uuna isku diyaarinayo ka qeyb galka diyaargarowga Gunners ee xilli ciyaareedka cusub.

Brazilian-ka ayaa ka qeyb galay 236 kulan oo uu la qaatay Manchester City 5 xilli ciyaareed, waxaana uu dhaliyay 95 gool.

Weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa u xiran doona kooxdiisa cusub ee Arsenal maaliyada lambarka 9-aad.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close