Chelsea oo sarre u qaaday dalabkeeda ku aadan Matthijs de Ligt

(London) 04 Luulyo 2022. Chelsea ayaa sarre u qaaday dalabkeeda ku aadan saxiixa daafaca reer Holland iyo kooxda Juventus ee Matthijs de Ligt, si ay u hesho adeegiisa inta lagu gudi jiro suuqa kala iibsiga ee xagaagan.

Qandaraaska De Ligt ee kooxda Juventus wuxuu dhacayaa xagaaga 2024, laakiin wuxuu doonayaa inuu baxo oo uu qaato khibrad cusub.

Sida laga soo xigtay wargeyska, La Gazzetta dello Sport, Chelsea ayaa kor u qaaday dalabkeeda si ay u hesho De Ligt, waxayna gaarsiisay 80 million euros, si ay ugu dhawaadaan qiimaha ay codsatay Juventus ee gaarsiisan 90 million euros.

Warbixinta ayaa waxay tilmaamtay in Juventus ay diiday dalabkii ugu horreeyay ee Chelsea ee ku saabsanaa De Ligt, kaasoo ahaa kaliya 40 million euros, marka lagu darro mid ka mid ah labada ciyaaryahan ee Timo Werner ama Christian Pulisic.

Maamulaha guud kooxda Juventus ee Maurizio Arrivabene ayaa horaantii toddobaadkan xaqiijiyay in De Ligt uu doonayo in uu isaga tago naadiga Bianconeri xagaagan.

Daafaca reer Holland ayaa Juventus ugu biiray xagaagii 2019, adduun dhan 85.5 million euros, isagoo kaga soo biiray Ajax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close