Arsenal oo si xooggan u qorsheyneysa inay afduubato xiddig bartilmaameed u ah Man United

(London) 04 Luulyo 2022. Arsenal ayaa si xooggan u qorsheyneysa inay afduubato daafaca reer Argentina iyo kooxda Ajax ee Lisandro Martinez, oo bartilmaameed u ah Manchester United.

Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay wargeyska Daily Mail ee dalka England, Arsenal ayaa diyaar u ah inay kor u qaaddo dalabkeeda 38 million pounds si ay u hesho saxiixa Lisandro Martinez.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in Ajax Amsterdam ay dooneysay inay hesho 43 million pounds si ay u iibiso Martinez, kaddib markii uu muujiyay rabitaankiisa inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League.

Waxaa xusid mudan in Martinez uu horay uga soo hoos shaqeeyay tababaraha haatan ee Manchester United Eric Ten Hag, markii uu macalin u ahaa Ajax Amsterdam.

Man Utd join Arsenal in Lisandro Martinez race with Erik ten Hag keen on  reunion - Latest UK News

Lisandro Martinez waa 24 jir, Wuxuuna ku fiican yahay ka ciyaarista daafaca dhexe, xilli qandaraaskiisa kooxda Ajax uu soconayo illaa June 2025.

Xiddiga reer Argentina ayaa ku biiray Ajax Amsterdam 2019 isaga oo ka yimid kooxda reer Argentine ee Defensa, wixii markaas ka dambeeyay wuxuu u ciyaaray kooxda 118 kulan tartamada oo dhan ah, isaga oo u dhaliyay 6 gool, wuxuuna caawiyay 6 gool kale ay dhaliyeen saaxiibadiis.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close