“Waxaan u mahadcelineynaa Lewandowski rabitaankiisa ah inuu u dhaqaaqo Barcelona” – Joan Laporta

(Barcelona) 03 Luulyo 2022. Madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay rabitaanka xiddiga reer Poland iyo naadiga Bayern Munich ee Robert Lewandowski, inuu u dhaqaaqo safka Blaugrana.

Magaca Robert Lewandowski oo 33 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Bayern Munich xagaagan, kaddib markii uu xaqiijiyay rabitaankiisa ah inuu ka tago kooxda Bavarian-ka.

Barcelona ayaa loo arkaa inay tahay kooxda ugu cad cad ee uu ku biiri karo Robert Lewandowski, gaar ahaan maadaama ciyaaryahanka uu doonayo inuu khibrad u yeesho ka ciyaarista horyaalka Spain.

Sida laga soo xigtay shabakadda “Goal” madaxweynaha kooxda Barcelona ee Joan Laporta ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay Robert Lewandowski, wuxuuna yiri:

“Heshiiska Lewandowski? Robert  waa ciyaaryahan Bayern Munich ah, aniguna waxaan doorbidayaa inaan arrintaas ilaaliyo.”

“Waxaan uga mahadcelineynaa rabitaankiisa ah inuu yimaado Barcelona, ​​runtii aad ayaan uga mahadcelineynaa.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close