Ian Rush oo shaaca ka qaaday doorkii uu ku lahaa ku qancinta Salah in uu sii joogo Liverpool

(Liverpool) 03 Luulyo 2022. Halyeeyga kooxda Liverpool ee Ian Rush ayaa shaaca ka qaaday doorkii uu ku lahaa ku qancinta xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah in uu sii joogo Reds.

Salah ayaa soo afjaray khilaafkii cirka isku shareeray bilihii lasoo dhaafay, kaddib markii lagu dhawaaqay inuu qandaraaska u kordhiyay Liverpool ilaa June 2025.

Sida uu daabacay wargeyska Mirror ee dalka England, Ian Rush ayaa sheegay inuu kulammo bada kula qaatay wakiilka Mohamed Salah ee Ramy Abbas, magaalooyinka Dubai, France, London, iyo Liverpool.

Halyeeyga kooxda Liverpool oo arrintan ka hadlayay ayaa wuxuu yiri: “Mar kasta oo sheekadeenu ay isu beddesho inaan ka hadalno Mohamed Salah iyo mustaqbalkiisa, waxaan si joogto ah ugu adkeystay inuu Salah u noqon karo halyeey dhab ah Liverpool haddii uu sii wado 3 sano oo dheeri ah, oo uu sii wato heerarkiisa cajiibka ah.”

“Waxaa jiray ciyaaryahano waa weyn waagii hore, sannadihii ugu dambeeyay waxaa joogay Luis Suarez, Fernando Torres iyo Sadio Mane, laakiin kuma ay filnaan inay noqdaan halyeeyo dhab ah.”

“Waxaad u baahan tahay inaad 10 sano soo bandhigto heerka ugu sarreeya, Salah hadda wuu gaari karaa taas.”

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close