Fabrizio Romano oo shaaca ka qaaday go’aanka Man United ee ku saabsan fikradda bixitaanka Ronaldo

(Manchester) 03 Luulyo 2022. Fabrizio Romano ayaa shaaca ka qaaday go’aanka Manchester United ee ku saabsan fikradda ah in Cristiano Ronaldo uu ka tago kooxda inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sida uu warinayo Suxufiga arrimaha suuqa aadka wax uga qora ee Fabrizio Romano, Ronaldo ayaa aad ula dhacsan tababaraha cusub Red Devils ee reer Holland Eric Ten Hag, balse waxa uu codsaday in uu isaga tago kooxda sababo la xidhiidha rabitaankiisa ah in uu helo heshiisyo badan si uu kooxd dib u habeen ugu sameeyo sida ugu fiican, isla markaana uu helo mashruuc isboorti oo isku dhafan ee garoonka Old Trafford.

Man United ayaa ku adkeysaneysa in Ronaldo uu la sii joogo kooxda, iyadoo ku adkeysaneysa inuusan iib aheyn, maadaama kooxda Old Trafford ay dooneyso in Cristiano uu noqdo hoggaamiyaha mashruuca cusub ee kooxda, xitaa hadii ay tani kusoo beegmeyso iyadoo kooxda aysan ka qeyb qaadan doonin. Champions League.

Wakiilka Ronaldo ee Jorge Mendes ayaan soo dhawaynayn aragtida ay qaateen maamulka United, iyo ku adkaysiga ah inay sii haysytaan ciyaaryahanka, wuxuuna mar kale ku cadaadin doonaa qaabkii ay ku fasaxi lahaayeen isla markaana uu ugu heli lahaa mid ka mid ah kooxaha waaweyn ee Yurub.

Yeelkeeda, saxafiga caanka ah ee Fabrizio Romano ayaa carabka ku adkeeyay in wakhtigan la joogo kooxda reer France ee Paris Saint-Germain aysan dookh u ahayn xiddigii hore ee Juventus iyo Real Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close