Manchester United oo ku dhow inay la soo saxiixato kubad sameeye heer-sarre ah

(Manchester) 02 Luulyo 2022. Manchester United ayaa ku dhow inay 15.6 milyan ginni ay kula soo saxiixato kubad sameeye heer-sarre ah.

Sida laga soo xigtay Daily Star, Manchester United ayaa ku sii dhawaanaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Christian Eriksen.

Red Devils ayaa diyaar u ah inay u soo bandhigto xiddiga heerka caalami ee dalka Denmark heshiis labo sanno ah oo uu ku qaadanayo 150,000 oo ginni isbuucii.

Eriksen, Ayaa weli wax go’aan gaarrin, waxa uuna sugayaa inuu arko cidda Red Devils ay la soo wareegayso xagaagan, si uu kaddib go’aan kama danbays ah u gaarro.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Danishka ayaa haatan ah mid xur ah kaddib markii uu qandaraaskiisa Brentford dhacay xagaagii hore.

30 jirkan ayaa ah mid ka mid ah kuwa ugu fiican booskiisa sidoo kale waxa uu khibrad badan u leeyahay horyaalka Premier League-ga.

Waxa uu u ciyaaray Tottenham Hotspur 305 kulan, isagoo u dhaliyay 69 gool, caawiyena ka ahaa 90-kale, sidookale wuxuu Spurs ka caawiyay inay gaaraan finalka UEFA Champions League-ga sannadkii 2019 markaas oo ay Liverpool ka qaaday koobka.

Christian Eriksen concerns raised, but pundit says transfer to Man Utd a  'no brainer'

Wuxuu ku biiray Inter Milan bishii Janaayo 2020 wuxuuna ka caawiyay inay ku guuleystaan ​​​​horyaalka Serie A xilli ciyaareedkii 2020-21. Eriksen ayaa kaddib ku biiray Brentford bishii Janaayo 2022 wuxuuna ka caawiyay kooxda dhawaan soo dalacday inay ka badbaado ulaabashadda horyaalka heerka Labaad, Waxa uu diiwaan gashaday hal gool iyo afar caawin 11 kulan oo uu u saftay . Brentford ayaa iyadaba tartanka ku jirta oo isha ku haysa inay sii haysato Eriksen xilli ciyaareed kale .

Manchester United ayaa sidoo kale aragtay xiddigan, kaddib markii ay ka tageen xiddigaha Juan Mata, Jesse Lingard, Paul Pogba iyo Nemanja Matic xagaagan, sidaas darteed waxay doonayaan inay xoogoodda iskuugu geeyaan sidii ay kooxda ku keeni lahaayeen Khad-dhexe oo si wayn heerkiisa u sarreeyo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close