RASMI: Tottenham oo ku dhawaaqday saxiixa Richarlison

(London) 01 Luulyo 2022. Kooxda Tottenham Hotspur ayaa saaka oo jimco ah si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Richarlison.

Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil Richarlison ayaa Tottenham Hotspur kaga soo biiray kooxda Everton, wuxuuna qalinka ku duugay heshiis shanta xilli ciyaareed ee soo socda, kaasoo dhacaya ilaa 2027.

Weeraryahanka ayaa ugu biiray Tottenham heshiis 60 milyan ginni ah, iyadoo la dammaanad qaaday 50 milyan ginni inta soo hartayna lagu kordhin karo.

Tottenham Hotspur ayaa war rasmi ah ay soo saartay waxay ku sheegtay:

“Waan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqno saxiixa Richarlison oo ka yimid Everton.”

“Xiddiga heerka caalami ee dalka Brazil waxa uu nala saxeexday heshiis ilaa 2027 ah.”

Weeraryahanka reer Brazil ayaa ka qeyb galay 173 kulan oo isigu jira kooxaha Everton iyo Watford horyaalka Premier League, wuxuuna dhaliyay 48 gool.

25 jirkaan ayaa Everton ku soo biiray xagaagii 2018, isagoo kaga soo biiray Watford, aduun dhan 39.20 milyan euro.

Si kastaba ha noqotee, Richarlison ayaa 36 kulan la ciyaaray xulka qaranka Brazil, wuxuuna dhaliyay 14 gool, wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay u saftay Samba bishii September 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close