Man United oo aad ugu dhow inay la soo wareegto xiddig ka tirsan Ajax

(Manchester) 01 Luulyo 2022. Wargeyska “Daily Mail” ee dalka England ayaa sheegay in maamulka Manchester United ay aad ugu dhow yihiin inay qandaraas la galaan daafaca reer Argentina iyo kooxda Ajax ee Lisandro Martínez inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Magaca Lisandro Martínez oo 24 jir ah, ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Ajax xagaagan, iyadoo ay Arsenal aad u xiiseyneysay inay la saxiixato.

Laakiin ka dib markii uu Erik ten Hag ku biiray Red Devils, macalinka reer Holland ayaa codsaday inuu la soo saxiixdo daafaca da’ada yar ee reer Argentina.

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Ajax, mabda’ ahaan, ay ogolaatay inay iibiso Lisandro Martínez, laakiin waxay dejisay lacag si ay u ogolaato iibinta ciyaaryahanka reer Argentina.

Who is Lisandro Martinez? The 'Butcher of Amsterdam' who has caught  Arsenal's attention | FootballTransfers.com

Wargeyska ayaa intaa ku daray in Manchester United ay hadda tahay kooxda ugu dhow ee la saxiixan karta Lisandro Martínez, sababtoo ah Red Devils ayaa diyaar u ah inay bixiso qiimaha ay Ajax codsatay.

Wargeyska ayaa tilmaamay in Manchester United ay diyaar u tahay inay bixiso 43 million pounds si ay u hesho adeega Lisandro Martínez.

Waxaa xusid mudan in qandaraaska Lisandro Martínez ee kooxdiisa haatan ee Ajax uu dhacayo xagaaga 2025-ka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close