Xavi iyo Lewandowski oo ku kulmay jasiiradda Ibiza

(Barcelona) 30 Juun 2022. Tababaraha Barcelona ee Xavi Hernandez iyo weeraryahanka reer Poland iyo kooxda Bayern Munich ee Robert Lewandowski, ayaa ku kulmay goob ku taalo jasiiradda Ibiza.

Qandaraaska weeraryahanka reer Poland Robert Lewandowski ee kooxda Bayern Munich ayaa wuxuu dhacayaa xagaaga 2023.

Lewandowski ayaa ku dhawaaqay inuu doonayo inuu ka tago Bayern Munich wax ka badan hal jeer, waxaana warar badan ay sheegayaan in laacibka reer Poland uu horey heshiis ula gaaray Barcelona.

Sida laga soo xigtay wargeyska “Sports” ee dalka Spain, Xavi iyo Lewandowski waxay ku kulmeen Arbacadii maqaayad ku taala jasiiradda Ibiza.

Wargeyska waxa uu tilmaamay in Xavi iyo Lewandowski aanay weli kala caddayn inay ku wada hadleen gudaha maqaayadda, balse wararka ayaa waxay intaas ku darayaan in ay ahayd in ay ka faa’ideystaan fursadda ay isku weydaarsanayaan ereyo ku saabsan xaaladda taagan iyo rabitaanka xiddiga reer Poland, si uu uga tago Bayern uguna biiro Barcelona.

Waxaa xusid mudan in maamulka Bayern Munich ay si weyn uga soo horjeedaan bixitaanka Lewandowski inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xagaagan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close