Tottenham oo heshiis la gaartay Everton si ay ula soo wareegto Richarlison

(London) 30 Juun 2022. Heshiiska ayaa la gaaray goor dambe oo habeennimadii xalay ah iyadoo ciyaaryahanka uu tijaabada caafimaadka marayo maalmaha soo socda, islamarkaana uu dhameystiri doonno heshiiska.

Richarlison ayaa noqon doona saxiixii afaraad ee Spurs kaddib Fraser Forster, Ivan Perisic iyo Yves Bissouma.

Spurs ayaa sidoo kale ku dhow inay heshiis amaah ah kula soo wareegto Clement Lenglet oo ka tirsan Barcelona.

Everton ayaa la fahamsan yahay in cadaadis Lagu saarayo inay la jaan-qaadaan shuruucda faa’iidada Joogtada ah ee Premier League-ga kahor dhammaadka sannad-maaliyadeedkooda, oo kubeeggan saqda dhexe ee habeenka sabtida.

Kooxda tababare Antonio Conte ayaa hadda qaboojisay xiisihii ay u qabtay Anthony Gordon, waxaana ay xoogga saarayaan sidii ay u dhammaystiri lahaayeen heshiiska Richarlison.

Shabakadda Ciyaaraha kafaaloota ee 90min ayaa fahansan in heshiiska labadda kooxood uu gaaray heerkii ugu dambeeyay, lacagta lagu kala wareejinayo waa la isku afgartay oo shuruuddihii gaarka ahaa waa la dhammeeyay, iyadoo Richarlison uu qarka u saaran yahay inuu dhammaystiro tijaabada caafimaadka maalmaha soo socda.

Tottenham ayaa sidoo kale lala xiriirinayay Anthony Gordon halka Steven Bergwijn loo saadaaliyay inuu qabto dhanka Everton, laakiin heshiisyaddaan ayaa ah kuwa aad u adag, sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gudaha dalka ingiriiska.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close