Halyeeyga Liverpool ee Hamann oo Guardiola uga digay Haaland

(Manchester) 30 Juun 2022. Halyeyga Liverpool Dietmar Hamann ayaa digniin adag u diray Manchester City iyo tababareheeda Pep Guardiola, taasoo ku aadan fikrada ay ku iibiyeen Gabriel Jesus.

Gabriel Jesus ayaa ku guda jira olalaha uu ku dhammeystirayo heshiiska uu kaga mid noqonayo kooxda Arsenal, si uu u tijaabiyo khibrad cusub, kaddib waayihiisa Manchester City.

Shabakada SportSkeeda ayaa waxay shaacisay wareysiga uu bixiyay halyeyga Liverpool Dietmar Hamann, wuxuuna yiri:

“Pep Guardiola waxa uu sameeyay khalad kaddib markii uu u fasaxay Gabriel Jesus, Erling Haaland waxa uu qabay dhibaatooyin dhaawacyo ah, Premier League waa horyaal u baahan awood jireed.”

“Haddii aad eegto rikoorada Gabriel Jesus, waxaad heli doontaa rikooro badan, goolal badan ayuu u dhaliyay kooxda, waxaan la yaabay inay sii daayeen.”

Jesus waxa uu Man City ku soo biiray 2017 markaas oo uu kaga soo biiray kooxda Palmeiras ee dalka Brazil, tan iyo markaas waxa uu kooxda u ciyaaray 236 kulan tartamada oo dhan, waxa uu u dhaliyay 95 gool, wuxuuna caawiyay 46 gool kale.

Yeelkeeda, xiddiga reer Brazil waxa uu kula guuleystay Man City, horyaalka Premier League 4 jeer, FA Cup hal jeer, League Cup 4 jeer, iyo sidoo kale Community Shield laba jeer.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close