Gabriel Jesus oo laga helay muuqaal sir ah isaga oo xirran lambarka uu u qaadan doono kooxdiisa cusub ee Arsenal

(London) 30 Juun 2022. Gabriel Jesus ayaa laga duubay muuqaal isagoo xirran maaliyada lambarka 9-aad ee Arsenal, kaddib markii uu dhameystay howlihiisa warbaahinta kahor inta aan si rasmi saxaafadda Loogu soo bandhigin.

Gunners ayaa ceyrsaneysay weeraryahanka Manchester City inta badan bishii June waxayna ugu dambeyntii heshiis 45 milyan ginni oo heer gabo-gabo ah lagashay Jesus iyo Man Mity. Iyadoo Toddobaadkaan dhaxdiisa lagu waddo in saxaafadda loo soo bandhiggo Brazil-yaankaan.

Lambarka Funnaanadda ee uu jesus ku xirran lahaa garoonka Emirates ayaa ahaa mawduuc ay dood ka taagan tahay, iyadoo La qorsheynayay in faraha laga saaro lambarka halyeeygii horre Henry ee 14, Balse manoqon taas oo Eddie Nketiah ayaa kooxda qandaraaska u’kordhiyay iskuna feereeyay lambarka 14-aad ee kooxda.

Marka la’eeggo, waxay u muuqataa in Jesus uu xirran doonno lambar 9-aad ee uu banneeyay Alexandre Lacazette, kaasoo beeca xurta ah ugu biiray Lyon.

Xaqiijinta arrintaan waxaa bixiyay muuqaal sir ah oo lagu faafiyay baraha bulshada. muuqaalka ayaa muujinayay Jesus oo dhex warreegaya garoonka isagoo lambarka 9-aad uu ku xardhanyahay dhabarkiisa.

Gabriel Jesus was spotted in his new Arsenal shirt with the number nine on Thursday

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close