Chelsea oo wadahadalo la yeelan doonta wakiilka Raphinha si loo dhammeystiro heshiiska

(London) 30 Juun 2022. Chelsea ayaa wadahadalo la yeelan doonta wakiilka Raphinha iyaga oo ku cadaadinaya in ay dhammaystiraan heshiiskii hordhaca Ahaa.

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa Lagu  soo warramayaa inay maanta wadahadalo la yeelan doonto wakiilka Raphinha ee Deco iyaga oo ku cadaadinaya dhammaystirka saxiixa garab weerarka Leeds isla markaana ay meesha ka saaraan Qatar kasta oo uga imaan karta dhinaca Barcelona.

The blues ayaa soo bandhigtay heshiis shan sanno ah oo ku kacaya 118,000 oo Gini toddobaadkii waxaana ay heshiis 55 milyan oo gini ah oo la raaciyay gunnooyin kula heshiisay Leeds.

Kooxda Thomas Tuchel ayaa xooga saarayso inay dhamaystirto heshiiska kaddib markii Deco lagu arkay Barcelona arbacadii, Waxaana lagu dhawaaqay Talaadaddii in wadahadaladdu ay sii socdaan kaddib markii Leeds ay aqbashay dalabka uu Raphinha ku doonayo barca, xilli ciyaaryahankii hore ee Chelsea iyo Barcelona ee Deco uu udub dhexaad u ahaan doono wada xaajoodyadda.

Si kastaba ha ahaatee, kooxda ka dhisan galbeedka London ayaa rajadeeddu tahay inay soo gaba-gabayso heshiiska khadka dhexe kaddib markii wakiilka Brazilian-kaan lagu arkay banaanka horre ee Nou Camp iyadoo ay la socdaan madaxda kooxda sida, Rafa Yuste, Mateu Alemany, Enric Masip iyo madaxweyne Joan Laporta.

Inkastoo kooxda Tuchel ay ku dhawdahay heshiiska garab weerarkaan, Raphinha ayaa meesha uu doorbidayo waxay tahay Barcelona, ​​wakiilkiisuna wuxuu sameynayaa wax walba oo uu ku sahmin karo doorashadaas.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close