Barcelona oo dhibaato kala kulmi doonta diiwaangelinta Dembele ee horyaalka La Liga

(Barcelona) 30 Juun 2022. Qandaraaska Dembele ee Barcelona wuxuu dhamaanayaa berri, haddii uu dib u cusbooneysiiyo heshiiska intaas kaddib, markaas waxaa loola dhaqmayaa sidda saxiix cusub ee ma ahan cusbooneysiinta qandaraas oo kaliya.

Haddaba Barcelona ayaa dhibaato kala kulmi doonta sidii ay isaga diwaan galin lahayd horyaalka La Liga ee dalka Spain.

Weeraryahnka reer France ee Dembele ayaa wali sugaya in Barça ay u soo bandhigto dalab fiican, maadaama uu aad ugu qanacsan yahay fikradda ah inuu sii joogo Barca halkii uu aadi lahaa meel kale.

Yeelkeeda, kooxda kubadda cagta Chelsea ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa xiiseyneysa saxiixa Ousmane Dembele, waxayna qorsheeneysaa inay ka soo dajiso garoonka Stamford Bridge ee dhaca Galbeedka magaalada London.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close