Pogba oo qarka u saaran inuu dib ugu laabto Juventus… (Xilliga uu tijaabada caafimaad marayo oo daaha laga rogay)

(Turin) 23 Juun 2022. Suxufiga arrimaha suuqa aadka wax uga qora ee Fabrizio Romano ayaa sheegay in xiddiga reer France ee Paul Pogba uu go’aansaday inuu ku laabto kooxda Juventus.

Paul Pogba ayaa ka tagay Manchester United xagaagan ka dib markii uu dhacay qandaraaskiisa Red Devils.

Magaca Paul Pogba ayaa lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Paris Saint-Germain iyo sidoo kale Real Madrid, balse wuxuu ku fikirayaa inuu dib ugu laabto Bianconeri, oo uu ku soo qaatay maalmo aad u wanaagsan.

Fabrizio Romano waxa uu boggiisa rasmiga ah ee Twitter-ka ku sheegay in wakiilka Paul Pogba uu la kulmi doono madaxda Juventus caawa oo Khamiis ah si uu u dhamaystiro wada xaajoodka uu dib ugu laabanayo xiddiga reer France kooxda Bianconeri.

Waxa uu intaa ku daray in ku soo laabashada Paul Pogba ee Juventus ay ka harsan tahay waqti yar, maadaama ay harsan tahay kaliya taabashadii ugu dambeysay ee heshiiska iyo saxiixa rasmiga ah.

Fabrizio Romano ayaa sharaxay in Paul Pogba uu doonayo kaliya inuu ku laabto Juventus, iyadoo xiddiga reer France la filayo inuu yimaado Turin si uu baaritaan caafimaad ugu maro bilowga bisha July ee soo socota.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close