Halyeey Man City ah oo uga digay Sterling inuu ku biiro Chelsea

(Manchester) 23 Juun 2022. Halyeeyga Manchester City ee Trevor Sinclair ayaa uga digay Raheem Sterling, inuu ku biiro kooxda reer London ee Chelsea.

Kooxda reer London ayaa wadahadalo kula jirta Man City si ay ula soo wareegto 27 jirkaan, maadaama qandaraaskiisa Citizens uu dhacayo June 2023.

Wargeyska Metro ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday halyeeyga Manchester City ee Trevor Sinclair, waxaana uu u digay Sterling isaga oo yiri:

“Waxaan dhihi lahaa maya, sababtoo ah uma maleynayo in Blues ay awood u yeelan doonto inay kula tartanto Manchester City iyo Liverpool xilli ciyaareedka soo socda horyaalka Premier League.”

“Waxay lumiyeen dhowr ciyaaryahan, kooxda waxay ku jirtaa marxalad kala guur ah, waana inay sameeyaan dib u dhis badan.”

“Chelsea waxay leedahay milkiile cusub oo dib u dhis ku sameeya, waxaana filayaa inay jirto shaqo badan oo ay tahay inay kooxda qabato xagaagan.”

“Sterling waa ciyaaryahan tayo sare leh oo la tartami kara Chelsea xilli ciyaareedka soo socda, laakiin milkiilaha cusub wuxuu gacanta ku haya shaqo weyn.”

Kooxda reer London ayaa ku dhameysatay kaalinta seddexaad ee kala sarreynta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii hore.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close