Halyeey Man United ah oo qeexay aasaaska guusha ee tababare Erik ten Hag

(Manchester) 19 Juun 2022. Halyeeyga Manchester United Teddy Sheringham ayaa ka hadlay muhiimada ay leedahay xoojinta kooxda ee inta lagu guda jiro suuqa xagaaga, si ay u caawiso tababaraha reer Holland Erik ten Hag xilli ciyaareedkiisii ​​ugu horreeyay ee Red Devils.

Bilowga shaqda ten Hag ee Man United ayaa imaaneysa kaddib xilli ciyaareed adag oo ay soo mareen taageereyaasha Red Devils, kaasoo ay kooxdu lumisay wax walba ay u tartameysay, oo ay ku jirto fursadii ay ugu soo baxi lahayd Champions League xilli ciyaareedka soo socda.

Wargeyska Daily Mail ee dalka England ayaa wuxuu shaaca ka qaaday wareysi uu bixiyay Halyeeyga Manchester United Teddy Sheringham, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa:

“Manchester United waxay u baahan tahay xoojinta dhammaan boosaska kala duwan, gaar ahaan khadka dhexe, weerarka dhexe, iyo baalasha.”

They need reinforcements across the pitch': Manchester United legend Teddy  Sheringham claims new Red Devils boss

“Waxaan raadineynaa 5 ama 6 ciyaartoy oo heerka sare ah. Waxaad u baahan tahay inaad keento ciyaartoy leh shaqsiyad saxda ah, qiimeeya baaxadda hawsha, diyaarna u ah inaad United ku soo celiso halkii ay ahayd, tani waa caqabad weyn.”

Jamaahiirta Man United ayaa rajaynaya in Ten Hag uu ku guulaysto in uu kooxda dib ugu soo celiyo fagaaraha guulaha oo in muddo ah ay ka maqnaayeen, iyadoo koobkii ugu dambeeyay horyaalka Premier League ee Red Devils ay ku guulaysato uu ahaa xili ciyaareedkii 2012/13, markaas oo uu hogaaminayay tababarahoodii halyeeyga ahaa ee Sir. Alex Ferguson.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close